Video: Yuusuf Garaad oo faah faahin ka bixiyay ujeedadiisa

Madaxii Idaacadda Laanta afka Soomaaliga BBC Yuusuf Garaad oo maalin ka hor iska casilay shaqadii uu ka hayay idaacaddaasi ayaa ka waramay ujeedada uu ugu tegay shaqada, isagoo wareysigiisa ku sheegay in hadii ay ku dhalato inuu isku sharxo Madaxtinimada Soomaaliya uu wax badan ka qaban doono xaalada dalka gaar ahaan dib u heshiisiinta, la dagaalanka takoorka, kor u qaadista xaquuqda haweenka iyo kuwa la liido.

Yuusuf Garaad wuxuu ka hadlay taariikhda Warbaahin ee noloshiisa soo martay, wixii uu soo qabtay iyo waxyaabihii uu la kulmay mudadii uu shaqeynayay BBC, dhaliil iyo amaan, isagoo meesha ka saaray in cadaadis dhinaca madaxda BBC ugu yimid uu isku casilay.

GUJI HALKAN SI AAD U DAAWATO WAREYSIGA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here