14 ku dhimatay shila tareen oo ka dhacay Poland

Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku geeriyootay dalka Poland kadib marki ay isku dhaceen laba tareen halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 50 kale.

Shilka ayaa ka dhashay xalay wadada tareenada ee Warsaw-Krakow magaalada yar ee Szczekociny, sida laga soo xigtay TV-ga dowlada.

Saraakiisha ayaa sheegay in mid ka mid ah labada tareen oo ah kuwa sida dhaqsada ah u socdo uu soo galay wado qaldan kadibna uu madaxa ka hardiyey tareenka kale.

Ra’isulwasaaraha dalkaasi Donald Tusk ayaa gaaray goobta saakay aroorti hore isaga iyo sadex ka mid ah golahiisa wasiirada.

Booliska ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ay ku xanibmeen burburka hoostiisa, iyadoo ay helikobtaro ay wateen shaqaalaha gurmadka oo ka baxay magaalooyinka Warsaw iyo Wroclaw ay qaadayaan dhaawacyada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.