13 meel oo maanta laga weeraray magaalada Baghdad ee dalka Ciraq

Mowjado qaraxya ah oo u muuqday kuwo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta ruxay caasimada dalka Ciraq ee Baghdad iyadoo ay ku dhinteen 57 ruux.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in la beegsaday ilaa iyo 13 meel oo ka tirsan magaalada oo ay ku jirto Al-Amil oo ku taala dhanka koonfureed ee magaalada, meelaha caanka ah ee sidoo kale la qarxiyey waxaa ka mid ah Xalaawi iyo Karraada oo ku yaala bartamaha magaalada.

Bombaanooyinka oo ahaa kii ugu darnaa ee bishaan ka dhaca Ciraq waxaa ay la tageen nolosha 57 ruux halka sidoo kalana la sheegayo in ay ku dhaawacmeen 170 kale, waxaana ay imaanayaan maalmo kadib marki ay ka baxeen dalkaasi ciidamada Mareykanka oo joogay mudo sagaal sana ah.

Weeraradaan sidoo kale waxay kusoo beegmayaan xilli ay sii kordheyso cabsida laga qabo in dalka ay ka dhacaan qalalaaso dhinaca diinta ah oo soo wajaha dowlada ku dhisan is baheysiga.

Wali ma cada cida ka danbeysa weerarada, laakin dadka xeel dheerayaasha ayaa sheegaya weeraro sidaan la isaga kaashaday waxaa caan ku ah Al Qaacidada dalka Ciraaq.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.