Somalia : Abuu Mansuur oo laga soo dajiyay magaalada Muqdisho [Akhriso]

Waxaa magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo diyaarad qaas ah ay kasoo qaaday magaalada Xudur ee gobolka Bakool, kadib markii uu isku dhiibay dowladda,

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolada koofur Galbeed ayaa saaka tagay degmada Xudur isaga iyo taliye ku xigeenka NISA.

C/rashiid Cabdullaahi oo kulamo la qaatay Sheikh Mukhtaar Roobow ayaa ka dhaadhiciyay inuu kasoo dajiyaa magaalada Muqdisho, waxaana diyaarad qaas ah ay kasoo qaaday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Abuu Mansuur uu ku qancay in la keenaa magaalada Muqdisho, sidaasina lagu soo dajiyay.

Waxaa la filayaa in Sheikh Mukhtaar uu warbaahinta la hadlaa marka kulan gaar ah uu dhex maraa dowladda Soomaaliya iyo isaga, kaasi oo uu kaga hadlayo ka bixitaankiisa Al Shabaab.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Mukhtar Robow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here