Somalia : Xildhibaan Taageeray xukunka askarigii dilay wasiir Siraaji

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arin maalmihii u dambeeyay la hadal hayay oo ku aadan xukunta maxkamada ciidamada qalabka sida ku riday askarigii dilay wasiir Siraaji.

Xildhibaanka oo la hadlayay TV-ga Qaranka isaga oo ku sugan dalka Holland ayuu sheegay iney wanagsan tahay in la dhowraa go’aanka ay gaartay maxkamada ciidamada Qalabka sida.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in isaga uu soo dhaweynayo go’aanka maxkamada, maadaama marar badan maxkamada ay fulisay xukuno sidaasi oo kale ah.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa marar badan xukun ku riday ciidamo dilay dad shacab ah, balse askarigan ayaa dilay wasiirkii ugu da’ yaraa golaha wasiirada ee xukuumadda Kheyre.

Beesha uu kasoo jeeda askarigan ayaa marar badan banaanbaxyo ay xukunka kaga soo horjeedaan ka sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana xildhibaan Fiqi uu noqonayaa xildhibaanka kaliya ee ku baaqa in la taageero go’aanka maxkamada.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
                                                                                   Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here