Somalia: Xildhibaano badan oo diyaariyay mooshin cusub [Sawirro]

Shir ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa waxay kaga arinsaday badbaadinta Maamulka kadib markii Madaxweyne Cosoble hareermaray Shaqadii loo igmaday, sida xildhibaanada ay sheegeen.

Xildhibaan Cabdiladiif Xaaji Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in Ujeedka kulanka uu yahay sidii loo badbaadinlahaa Maamulka Hirshabeelle, wuxuuna goobta ka sheegay sida ay u arkaan habka loo badbaadin karo maamulkaasi.

“Xildhibaanada waxay isla garteen in xilligaan ay Muhiim tahay in la badbaadiyo HirShabeelle¬†,Madaxweynihii loo doortay waxa uu Ku Mashquulay iska horkeenidda Beelaha wada dhistay Maamulkaan,waxaa hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay, haddana waxaa la joogaa Xiligii la badbaadinlahaa Hirshabeelle” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif.

Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud iyo Guriyeenta Maamulka Hirshabeelle ahna Xildhibaan ka tirsan Maamulkaas Mudane Ismaaciil Maxamed Nuur ayaa Sheegay in Qabanqaabada kulankaan uu salka Ku hayo habdhaqanka Madaxweyne Cosoble oo isku badalay in Dagaal iyo Colaad ka dhex bilaabo beelaha Ku hishiiyey dhismaha Hirshabeelle,waxaana maanta la isku afgartay in Talaabo Cad laga qaado Madaxweyne Cosoble oo hareer maray Dastuurka.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya Xilli Xildhibaanada ay wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cosoble, mana jirto jawaabo madaxweynaha uu ka bixiyay eedeymaha maalmahaan kaga imaanaya xildhibaanada iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here