Somalia :Shirka dib u heshiinta Beelaha Cadale oo hakad uu ku yimid [Sabab]

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu hakad ku yimid shirkii u dhaxeeyay beelaha daga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeele Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa beelahaasi shir ugu qabtay magaalada Jowhar, waxayna ku sugan yihiin magaalada muddo ku dhow labo todobaad.

Odayaal matalaya beelaha horey u dagaalamay ayaa laga kaxeeyay degmada Cadale si ay shirkaasi kaga qeyb galaan.

Shirkaasi oo uu daahfuray wasiirka amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka ee matalaya beelaha wada daga degmada Cadale iyo deegaanada ku hareereysan.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiro isfaham waa u dhaxeeya beelaha ku sugan magaalada Jowhar iyo xubnaha shirkaasi shir guddoominaya.

Sababaha keentay dib u dhaca shirka ayaa sheegeysa inay tahay markii la isku qabtay arimo ay kamid ahaayeen, cidda bilowday dagaalka ka dhacay duleedka degmada Cadale iyo khasaaraha ugu badan cidda uu gaaray.

Odayaasha labada dhinac ayaa dhinac walbaa waxay sheegeen in iyaga laga gardarnaa, waxayna taasi dhalisay buuq badan, iyadoo la qorsheeyay in marka hore si hoose arimahaasi loosoo ogaado, kadibna shirka lagu soo laabto.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeele ayaa doonaya in odayaasha magaalada Jowhar ay ka laabtaan iyaga oo heshiis buuxa kala saxiixday, si dagaalada aysan usoo laaban markale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here