Somalia: Culumadda Soomaaliyed oo ku baaqdan banaanbax ka dhan ah Israel

Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen masuuliyiin ka tirsan Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa waxay kaga hadleen dhibaatada Yahuuda ay ku heyso shacabka Falastiiniyiinta.

Waxay culumada ay cambaareeyeen xasuuqa Israel ay ku heyso shacabka daanta Galbeed ee Dhulka Falastiiniyiinta ku nool yihiin.

Hay’adda Culummada Soomaaliyeed  ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah u dhigaan banaanbax ay ku taageerayaan shacabka Falastiin ayna kaga soo horjeedaan Israel.

Israel ayaa dhibaatada ay ka gaysaneyso Daanta Galbeed gaar ahaan masaajidka Al-Aqsa kordhisay taas oo ay muslimiin badan ka caroodeen waxaana Soomaaliya ay ku biireysaa dalalka ka xanuunsaday Dhibaatada halkaasi ka taagan.

Dhinaca Kale Culumada ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka socda meelo ka mid ah Soomaaliya waxayna ku baaqeen in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalkaasi.

Sh. Bashiir Axmed Salaad Hay’adda Culummada Soomaaliyeed
                                                        Sh. Bashiir Axmed Salaad Hay’adda Culummada Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here