Somalia :Ciidamo ka socdo Uganda oo Muqdisho soo gaaray

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub usoo dirtay dalka Soomaaliya kuwaasi oo badalay ciidamo ka socdo dalkaasi oo horey kaga baxay dalka Soomaaliya.

Ciidamada cusub ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,ayaa la qorsheynayaa inay badalaan ciidamo dalkaasi ka socday oo ka howlgalayay magaalada Marko, kuwaasi oo horey loo badalay.

Ciidankaan cusub ee yimid, ayaa ku biiraya Kooxda 22-aad ee ciidamada AMISOM, waxaana ay ka hawlgeli doonaan Gobolka Shabellaha hoose, sida Saraakiisha Amisom ay xaqiijiyeen.

Brigadier Muhanga oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada AMISOM, ayaa sheegay ciidankaan cusub in lagu bedelay ciidan ka tirsanaa Kooxda 19-aad ee ciidamada AMISOM, kadib markii hal sano ay joogeen Somaliya.

AMISOM ayaa ku shaqeysa nadaamka ah ciidanka haddii ay joogaan Somaliya muddo hal sano ah in isbedel lagu sameeyo, dalkoodana ay dib ugu laabtaan.

“Waxaan ka rajeynaynaa Kooxdaan cusub inay ka fiicnaan doonaan kuwii hore oo ay ka shaqeyan doonaan ammaanka, horumarin doonaan amniga dad badan oo muhiim ah, sidoo kalena ay la dagaalami doonaan Al Shabaab, ayna caawin doonaan ciidamada dowladda.” Ayuu yiri Brig. Muhanga oo Amisom ka tirsan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here