Somalia :Dowladda oo ciidamo gaar ah ku wareejineyso amaanka caasimadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qorsheynayaan in ciidamo gaar ah ku wareejiyaan amaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso ciidamo gaar ah ,kuwaasi oo lagu wareejinaayo guud ahaan Amniga Magaalada Muqdisho.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamadaasi aysan kamid noqon doonin ciidamada NISA iyo kuwa booliska ee ka howlgala caasimadda Soomaaliya, ayna noqon doonaan kuwo cusub.

Dadaaladii ugu dambeeyay lagu sameynaayo Ciidamadaasi ayaa socda sida ay sheegayaan Madaxda dowladda, waxaana la qorsheynayaan inay dhawaan la wareegaan amaanka caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa isugu jira Boolis iyo Nabad Suggid , waxaana hal talis ay ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda Amniga Magaalada Muqdisho u xilsaartay Ciidamo lagu magacaabo xasilinta Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here