12-Soomaali ah oo Laga Siidaayey Xabsida Koonfurta Sudan

Magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Sudan waxaa ku xiran isla markaana xabsiyada ku dhibaataysan dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ilaa iyo iminka xiran, balse 12-kamid ah ayaa lasii daayey.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan ayaa waxaa uu uga warbixiyay dhalinyaradaani la sii deeyay qaabka lagu sii daayay, iyadoo uu sheegay in ay sii deentooda ka qeyb qaadatay Safaarada Soomaaliya ee Konfurta Suudaan.

Yuusuf C/raxmaan Yuusuf oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan wadankaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay 12 dhalinyaro ee la sii daayay ay 2 ka mid ah yihiin haween.

Dhanka kale wiilkaani ayaa waxaa uu ka warbixiyay Ganacsiga Soomaalida ku dhaqan wadankaasi Konfurta Suudaan, isaga oo sheegay in uu Ganacsigoodu yahay mid aad wanaagsan.

Ganacsaatadaani ku dhaqan Koofurta Suudaan ayaa waxaa ay u muuqataa in ay ka nabadgalyo badanyihiiin ganacsatada ku dhaqan Koonfur Afrika oo mar waliba dilal bareer ah loo geesto.

Magalaada Jubba ee Koonfurta Sudan waxaa ku dhaqan Soomaali badan waxayna ku leeyihiin ganacsi kala duwan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here