Mogadishu :Madaxweyne Shariif Xasan oo eedeymo badan loo jeediyay

Xildhibaan Axmed Maxamed Ibrahim oo ka tirsan xildhibaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan in uu ku fashilmay wax ka qabashada amaanka deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Xildhibaanka, ayaa tilmaamay in ay ciidamada ku sugan maamulka Koonfur Galbeed oo iskugu jiro kuwa ka socdo Midawga Africa ee AMISOM iyo kuwa maamulka koonfur galbeed aysan helin hogaan fiican, waxa uu intaasi raaciyay inaan wali wax laga qaban deegaanada go’doonsan oo ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan raashiin gar-gaar la gaarsiin Karin oo laga cabsi qabo in gaadiidka wada ay waxyeeleeyaan Alshabaab.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato ayaa sidoo kale ka hadlay shir dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo kaasi oo ujeedkiisa uu ahaa sidii loo dhisi lahaa golayaasha deegaanka ee ay yeelanayaan degaanada maamulka Koonfur galbeed.

Xildhibaanka ayaa ku sheegay arintaasi in ay tahay mid aan hadda loo baahneen maadama aan la damaanad-qaadi Karin amaanka dadka xubnaha ka noqonayo golayaasha deegaanka ayna dhici karto in la bartilmaameydsado.

Ugu danbeyn xildhibaan Axmed Maxamed Ibrahim, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxwayne Sharii Xasan uu meesha ka saaray isla xisaabtankii maamulka koonfur galbeed iyo xildhibaanada ka dhaxeeyay, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxwaynaha uu mudanayaasha qaar ee baarlamaanka ka tirsan u balan qaado xilal iyo waxyaabo kale, si uu meesha uga saaro in looga yeero golaha si loola xisaabtamo.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadayo xili maalmihii danbe ay jireen dhaliilo loo jeedinayo madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, kuwaa oo la xariiro in uusan wax ka qaban xaalada ka jira degaanada maamulkaasi.

Shariif Xasan Sheikh Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here