Mogadishu : Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka oo maanta furmayo

Iyadoo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku maqnaayeen fasax muddo labo bilood ah ayaa maanta waxaa la filayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho kalfadhiga labaad ee xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaanadii ugu badnaa ee ku maqnaa fasaxa ayaa inta badan kusoo laabtay magaalada Muqdisho, waxayna doonayaan inay ka qeyb galayaan furitaanka kulanka koowaad ee kalfadhiga labaad ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo isagaba ka mid ahaa xubnaha ka faa’ideystay fasaxooda ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho si uu goobjoog kaga ahaado furitaanka kalfadhiga labaad.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa furaya kalfadhiga xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbad loogu talo galay baarlamaanka.

Ajandayaal culus oo uu ku jiro mooshin ka dhan ah xukuumadda ayaa loo gacan geliyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la saadaalinayaa in kalfadhigan uu ka adkaan doono kuwii hore.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here