Mogadishu : Dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowladda oo Warsheekh ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saaka halkaasi ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku dagaallameen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh ayaa Midnimo Online u xaqiijiyay in dagaalka u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan ciidamada Milatariga.

Dagaalka ayaa geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka HirShabeelle oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay degmada Warsheekh.

Warsheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here