Mogadishu: Madaxweynaha oo laamaha amaanka ku dhagan

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Al-shabaab ka geysteen maqaayadaha Posh iyo Pizza house, waxaa sii kordhayay su’aalaha amaanka ee ka dhalanayay weerarkaasi.

Kulamo isdaba joog ah ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu siyaabo gaargaar ah iyo si guudba ula qaadanayay saraakiisha dhanka amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada NISA iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa su’aalaha ugu badan laga weydiiyay weerarkii ka dhacay Pizza house oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in waxyaabaha ugu badan ee madaxweynaha uu doonayo ay tahay in la ogaado sida ay ku suuro gashay in xubnaha Al-shabaab oo gaadiid wata kusoo dhaafaan xarumihii ciidamada xasilinta ay joogeen.

Saraakiisha amaanka ayaa sidoo kale waxaa loo heystaa sida ciidamada amaanka ay kaga jawaabeen weerarka kaasi oo qaatay in Al-shabaab saacado badan ku dhex jiraan goobaha ay weerareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligii ololaha doorashada wuxuu balan qaaday inay dhisi doonaan goobaha ay weeraraan Al-shabaab ayna caafimaad dibbada ah u qaadi doonaan dadka dhaawacyada daran ay soo gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here