Mogadishu: Ciidamada xisilinta oo Baangado & Mindiyo soo qabtay

MOGADISHU, SOMALIA – JANUARY 24 : Security measures are tightened on the streets of Mogadishu ahead of Turkish President Recep Tayyip Erdogan’s visit in Somalia on January 24, 2015 as maintenance works of a hotel where a car bomb exploded nearby on January 22, 2015 continue in Mogadishu. (Photo by Okan Ozer/Anadolu Agency/Getty Images)

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaritaano ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen baangado.

Howlgal ciidamada ay ka sameeyey qeybo kamid ah wadanka 30-ka ayaa waxay kusoo qabteen baangado iyo mindiyo, kuwaasi oo laga qaaday dadka watay.

Gaadiidka Bajaajka loo yaqaan ayaa laga qaaday baangadaha ugu badan, maadaama u adeegsan jireen inay isku ilaaliyaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/Fataax Cumar Xalane oo saxaafada kula hadlayay goobta ciidamada kusoo bandhigeen waxyaabaha ay soo qabteen ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay in dadka u hogaansamayaan amarka ciidamada.

Afhayeenka wuxuu sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan baaritaanada lagu qabqabanayo midiyaha iyo baangadaha, isaga oo sheegay inay yihiin hubka labaad ee wax lagu dilo.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa amni ahaan isbedashay wixii ka dambeeyay markii Dowladda Federaalka sameysay Ciidanka Xasilinta Muqdisho, kuwaasi oo magaalada ka bilaabay hub uruurin iyo howlgallo kale oo amniga lagu sugayo.

maqar-Faas-baangad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here