Baxthi Cilmiyeysan oo lagu Ta’siiliyey mid ka mid ah Axaadiithtii ay Sheegeen Sheikh Umal, Sheikh Shible iyo Bashiir Shiil

 Baxthi Cilmiyeysan oo lagu Ta’siiliyey mid ka mid ah Axaadiithtii ay Sheegeen Sheikh Umal, Sheikh Shible iyo Bashiir Shiil in uu samaystay Sh Xasan Maxamud Takar. (Baxthi Carabi ah)

Sida ka muuqanaysay Baraha Internetka ee Soomaalida maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka dhax taagnaa qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed dood kulul oo gaartay heer ka baxsan qaab niqaasheedka Cilmiga Sharciga ah.

Sheikh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheikh Maxamud Shible ayaa waxa ay kalimaad  iyo qoraalo ay leeyihiin ku sheegeen in Sheikh Xasan Maxamud Takar uu ku been-abuurtay Nabiga Scw, waa arin khatarteeda leh , Qofka Nabiga ku been abuurta waxa uu noqonayaa qof  Faasiq ah oo Zindiiq ah, Zanaadiqada ayaa dhaqankooda waxaa ka mid ah in ay Nabiga ku been abuurtaan si ay diinta islaamka ugu dumiyaan si sahal ah ayaga oo Shucuubta Muslimiinta ah isku dhex qarinaya.

Dhageyso Hadalka Sheikh Maxamed Cabdi Umal

Sheikh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheikh Maxamud Shible ayaa ka soo dalbaday Sh Xasan Maxamuud Takar  in uu soo cadeeyo shan Xadiith oo uu Sheikhu ku soo arooriyey Muxaadaro uu qabtay 10 sano ka hor taas oo ciwaankeedu ahaa Al Malaaxim,

Doodda culimadu ma ahan in Axaadiith-taaas amaba Aathaartaas ay daciif tahay, balse waxa ay leeyihiin Axaadiithtaan iyo Aathaartaan loogama horayn Sheikh Xasan Maxamud Takar oo ay ula Jeedaan Sheikh Xasan Takar  asaga ayaa dajiyey Axaadiithtaan oo samaystay!!!!.
Sheikh Maxamud Shible waxa uu sheegay in uu la xiriiray Sheikh Xasan Maxamuud Takar  waxna ka weydiiyey Axaadiithtaan, ka dibna uu Sheikh Xasan Takar ugu Jawaabay “Waan Xamaasooday markaas ayaan iska sameeyey Axaadiithtaan” .

Sidoo kale Sheikh Bashiir Shiil ayaa kamid ahaa Culimadii dooddaan ka qayb qaadatay muddo hadda laga joogo 10 sano.

Sheikh Bashiir Shiil Allaah ha u dambi dhaafee waxa uu sheegay oo weliba si taxaddi ah ugu cel celiyey in Axaadiithtan aan looga horaynin Sh Xasan Maxamuud Takar, waxana uu Shiikh Bashiir Sheegay in axaadiithtan aysan ku sugnayn kutubta oo dhan xattaa Kutubta Mowduucaadka, Waxaan leennahay ذلك مبلغهم من العلم. Sidoo kale Shiikh Bashiir ogow وفوق كل ذي علم عليم.

Dhageyso Hadalka Sheikh Bashiir Shiil

Waxaa Cajiib ah in Sheikh Bashiir Shiil uu yiri, “Lafdiga Irhaab ah, waa lafdi ku sugan Fil Qur’aanil Kariim” waxana uu Shiikhu Daliishaday Qowlka ALLAAH ترهبون به عدو الله وعدوكم Hadaba Su’aasha hortaala Shiikh Bashiir Shiil ayaa ah, hadii aad ula Jeedidi Macnaha Irhaab Qur’aanka waa ku sugan yahay waa sax, Hadii kale Lafdiga ah Irhaab oo sidaas ah kuma sugna Qur’aanka, Hadii aadan Shiikh Bashiirow Dood ka qabin in macnaga Irhaab aad ula jeedidna waxaa meeshaas ka cadaanaysa in aadan maqlin horayna u arkin Xadiithkan ay sharaxeen qaar ka mid ah A’immada Muslimiinta sida Sheikhul Islaam ibnu Taymiyah iyo ardaygiisa Ibnul Qayim Raximahumullaah, iyo sidoo kale Imaam Al Shaadibi iyo Sheikh Bakar Abu Zeyd.
Waxaa Buray Taxaddigii iyo Carayntii Shiikh Bashiir Shiil, Allaahna ha u naxariisto qofkii garta Qadarkiisa, sida uu Baaxithka Xadiithkana Allaah ha barakeeyee u yiri “فإن من لم يعرف قدر نفسه فأحرى أن لا يعلم قدر غيره Qofka aan darajadiisa aqoon way ka dheer tahay in uu garto dadka kale Darajadooda”

Shabakadda SomaliMeMo waxay Shalay baahisay Maqaal laga qoray Afar Xadiith oo ka mid ah Axaadiithtii ay Culimadu Dalbadeen in uu soo cadeeyo Sheikh Xasan Takar, Sidoo kale waxaa Shabakadda SomaliMeMo maanta soo gaaray Baxthi Cilmiyeysan oo uu qoray Walaal Axmed Cartan, Baxthiga oo ku qoran luuqadda Carabiga ayuu  Walaalku Baxthigiisa ku cadeeyey Xadiith ka mid ah Axaadiithtii shanta ahayd ee ay codsadeen labada Shiikh.

Walaalka ayaa soo bandhigay culimo waaweyn oo ka mid ah Culimada Islaamka oo kutubtooda ku xusaya Axaadiithtaan.

Walaalku waxa uu ka afeeftay in uusan ka hadlaynin Darajada Xadiithka marka laga hadlayo ma Saxiixbaa mise waa Daciif , waxa uu walaalku sugayaa in Axaadiithtan looga horeeyey Shiikh Xasan Maxamud Takar, ayna hortiisa soo naqliyeen Culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin:

1.Sheikhul Islaam Ibnu Taymiyah.
2.Ardaygiisii Ibnul Qayyim.
3.Al Imaam Al Shaadibi.
4.Ibnul azraq.
5.Sheikh Al Qaasimi.
6.Bakar Abu Zeyd.

Sidaas daraadeed waxaa meesha ka baxday Sheegashadii ahayd Sheikh Xasan Maxamud Takar ayaa Axaadiithtaan Dajiyey oo Sameeyey.

Walaal Axmed Cartan ayaa kula taliyey labada Shiikh ee kala ah Sheikh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheikh Maxamud Shible in ay Allaah uga towbad keenaan arinka khatarta ah ee ay u tiiriyeen Sheikh Xasan Maxamud Takar taas oo ah in uu yahay Beenloow ku been abuurtay Nabi Muxamed SCW.

Sidoo kale walaalka ayaa ka codsaday Muslimiinta ku nool wadanka ay ku nool yihiin labada Sheikh (KENYA) in ay culimada kula taliyaan in ay Allaah u noqdaan kana towbad keenaan dambigaas weyn ee ay ka galeen walaalkood Sheikh Xasan Maxamud Takar.

Baxthiga oo PDF ah ka degso Halkaan GUJI

Baxthiga oo Doc ka degso Halkaan GUJI

Tacliiqa Sare SomaliMeMo

1 COMMENT

  1. Asalamu aleykum.musliminta dhaman ee howlahan sidey uu socdan markad egto waxam oganeysa culimadan in gabi ahaan ey kabaxsanyihin nadamki lagu yaqane ninka calimka ah, Marka warka oo culuma caytamayan qudwa iyo dad lagu daydo manoqon karan????aniga waxan oran kara dhaqan kan ey kudhaqmayan culimadan din in wax lootaro iskadaye dadka juhalada ah ayey dinta nacsinayan,hadalkeyga waxan ku qatimaya ILAHAYO UMADI NABIGAGA USO SAAR CULUMO DINTA KUHOGAMISO OO QUDWA XASANA NOQDAN CALIM WAR BAHINTA KACAYTAMAYO HOGAMIYO MA NOQON KAREE

Comments are closed.