11 Waxyaabood oo laga bartay Kulankii Chelsea & Tottenham

EriksonKooxaha ka wada dhisan London ee Chelsea iyo Tottenham, ayaa shalay waxaa dhexmartay ciyaar aad uxiiso badneyd, iyadoona kooxda Chelsea guul soo laabasho ah ka gaartay naadiga Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, waxaana ay hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League.

3ac7abd700000578-0-image-m-37_1480185976547 3ac7851000000578-0-image-m-16_1480184627570

Kooxda Tottenham oo ciyaar weerar ah ku bilaabatay ayaa Goolka la hormartay, waxaana u saxiixay Xidigooda Christian Eriksen, balse Blues waxaa labo gool oo ay ka kala heshay Pedro Rodriguez iyo Victor Moses ay 2-1 uga adkaatay Spurs, kaddibna hoggaanka horyaalka Premier League ayey ku qabtay 31-dhibcood.

Halkaan ka aqriso 11 Waxyaabood oo laga bartay Kulankaas:

  • Tottenham ayaa laga adkaaday markii ugu horreysay Premier League kal ciyaareedkan, shanta horyaal ee ugu waa wayn qaaradda Yurub kaliya Real Madrid, RB Leipzig iyo Hoffenheim ayaan weli laga adkaan.
  • Blues ayaa gaartay 7-guul oo xiriir ah Premier Leauge isla hal xilli ciyaareed markii 5-aad iyo markii ugu horreysay tan iyo goortii 9-kulan oo xiriir ah ay badinaysay laga bilaabo bishii Janaayo ilaa April ee 2007.
  • Kooxda Chelsea ayaa ka adkaatay Tottenham 26-kulan Premier League, waana kooxda ay kulamada ugu badan ka adkaatay horyaalka.
  • Spurs ayaan guul gaarin 30-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay garoonka Stamford Bridge tartammada oo dhan, 11 kulan barbaro ayey ku soo galeen garoonkaas, halka 19 kulan lagu soo garaacay.
  • Weeraryahanka Chelsea ee Diego Costa ayaa ku leh 14 gool xilli ciyaareedkan, waana in ka badan ciyaaryahan waliba oo ka dheela horyaalka Premier League, waxa uu Costa dhaliyey 10 gool isagoo dhiibay 4 gool oo kale.
  • Dhammaan saddexda gool ee uu xilli ciyaareedkan Victor Moses ka dhaliyey horyaalka Premier League ayaa yimid iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Stamford Bridge.
  • Nemanja Matic ayaa lix caawin ka sameeyey Premier League xilli ciyaareedkan, waana in hal dheer inta caawin oo uu sameeyey labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay oo uu isku dar sameeyey 5 caawin.
  • Pedro ayaa gacan ka gaystay siddeed gool lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo uu Premier League ku ciyaaray garoonka Stamford Bridge, 3 gool waa uu dhaliyey halka 5 gool oo kale uu dhiibay ama caawiye ka ahaa.
  • Ma jiro ciyaaryahan ka badan, goolasha uu Christian Eriksen ka dhaliyey bannaanka xerada ganaaxa horyaalka Premier League tan iyo sanadkii 2013, waxaana tan iyo markaas uu bannaanka diillinta xerada rigoorada ka dhaliyey 12 gool.
  • Christian Eriksen ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, kaddib 39 isku day gool oo uu sameeyey.
  • Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee Premier League ku garaacday Tottenham xilli ciyaareedkan, iyadoo Spurs ay ahayd kooxda kaliya ee aan dhinaceeda dhulka la barin xilli ciyaareedkan.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here