Dhageyso 11 Qof oo ku dhimatay dagaal Ciidamada DFS ku dhexmaray Sh.Hoose

Kismaayo-dagaal-11Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacantay, dagaalo xooggan oo saaka iyo galabta ku dhex maray deegaanka No. 50 ee Gobolka Shabeellada Hoose, ciidamo iska soo horjeeda oo daacad u ah dowladda Somalia. Dagaalkan ayaa dhex maray maleeshiyo daacad u ah gudoomiyaha degaanka Lambar Konton ee maamulka gobolka Shabeelaha hoose  iyo Ciidamada milatariga dowladda Somalia. Wariyeheena Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay bal inuu faahfaahiyo dagaalkan.

Halkaan ka dhagayso dagaalka Sh.Hoose:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here