11 ayaa ku dhimatay laba qarax oo lala beegsaday kaniisad Naigeria ku taal

Sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP “11 ayaa dhimatay 30-kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii laba qof oo isa soo biimeeyay ay isku qarxiyeen kaniisad ku taal magaalada Gaga ee gobolka Kadoona”.

Sarkaal katirsan ciidamada amaanka Naigeria ayaa wakaalada wararka AFP usheegay in 11-ka qof ee dhimatay iyo dadka dhaawacmay markii falka uu dhacayay ay ku gudo jireen waxa uu ugu yeeray salad.

Sarkaalkan ayaa sheegay in koow qof wata baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu xoog ku galay kaniisada kadibna uu is qarxiyay waxaana uu ahaa qaraxa gaystay qasaaraha ugu badan.

Weerarada nuucaan oo kale ah islamarkaasna lala bartilmaameedsado dadka masiixiyiinta ah ayaa waxaa horay loogu eedeeyay kooxda Boko-haraam ee iyadi dagaalka kula jirta doowlada.

Isla magaaladan uu weerarka kadhacay ayaa bishii hore sidaan oo kale waxaa weerar is qarxin ahaa lagu soo qaaday kaniisad Katholic oo halkaas ku tiil, falcelintii ama aargoosigii ay ku dhaqaaqeen masiixiyiinta waxaa ku dhintay dad kabadan 145 qof.

Dilalka qorsheesan iyo qaraxyada Boko-haraam ay dalkaas ka gaysatay tan iyo sanadkii 2009 waxaa lagu qiyaasaa 3000 oo qof.

Naigeria waa wadanka ugu dadka badan qaarada Afrika waxaana dadkiisa lagu qiyaasaa 160 milyan oo ruux, sidoo kale waa wadankii ugu horeeyay qaarada Afrika ee soo saara shidaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here