Video:Sadiq Khan oo loo doortay duqa London

3790Sadiq Khan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa loo doortay duqa caasimadda London, waxaana uu jagadaasi hayn doonaa afarta sano ee soo socota.

Waxaa halkaasi ku soo afjarmay 8 sano oo xilka duqa London uu hayay xisbiga Muxaafidka.

Sadiq kama aanu mid ahayn musharraxiinta aadka loo hadal hayay, ee la saadaalinayay in ay jagadan ku guuleysan doonaan.

Waa Muslim-kii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa London.

Sadiq oo 45 jir ah, ayaa ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan.

Halkaan ka daawo Taariikh nololeedkiisa oo kooban:

Waxa uu ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa noolasha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyada sharciga ee Jaamacadda North London. Waxa uu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.

Duqa London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Mr Khan uu howshaasi kasoo bixi karo.

Balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here