Muqdisho: 4 ruux oo isku qoys ah oo dhimasho kasoo gaartay…

3B7E7DCB-2890-46D7-A97C-5CC74FB05FFD_w640_r1_sDadkan waxay isugu jiraan hooyo, aabe, wiil uu dhalay iyo wiil labaad oo adeer uu u yahay, waxaana la xaqiijiyay dhimashada hooyadii qoyskaasi, halka ay dhaawacmeen odaygii qoyska, wiilkii uu dhalay iyo wiilkii kale, ee uu adeerka u ahaa.

Dadkan waxay isugu jiraan hooyo, aabe, wiil uu dhalay iyo wiil labaad oo adeer uu u yahay, waxaana la xaqiijiyay dhimashada hooyadii qoyskaasi, halka ay dhaawacmeen odaygii qoyska, wiilkii uu dhalay iyo wiilkii kale, ee uu adeerka u ahaa.

Madaafiicdan oo loo waday Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan laba qof, halka in ku dhow toban kalana ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amniga.

Sahra Maxamed Cigaal oo ka mid ah ehelada qoyska ay dhibaatadu ku dhacday, ayaa waxay sheegtay in iyagoo fadhiya afaafka hore ee hoygoodu inuu ku soo dhacay mid ka mid ah madaafiicdii lagu weeraray Madaxtooyada.

Sahra Maxamed Cigaal waxay xaqiijisay inuu culus yahay dhaawaca soo gaaray aabihii qoyska, oo sida ay sheegtay ay ku tiirsaneyd nolosha qoyskiisa.

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxay xalay gacanta ku soo dhigeen gaari Caasi/hoomey ahaa, oo sida ay sheegeen laga tuuray madaafiicda iyo qori hoobiye ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here