Wararkii ugu dambeeyay Al-shabaab oo qabsatay deegaanka Garacad ee Puntland

Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey
Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey

War hada kusoo dhacay Warqabadka Midnimo ee Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka Alshabaab ee shalay qabsaday deegaanka Garacad ee Maamulka Puntland halkaasi iskaga baxeyn.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka baxeen Magaalada,kuwaas oo aan wali la ogeyn halka ay ka Aadeen Garacad.

Shabaabka Shalay la wareegay Degaankas ayaa ku yimid ilaa laba doon oo dhanka Badda Koofureed ay ka soo galeen.

Sidoo kale Al-shabaabka halkaa gaaray ayaa Dadka Magaalada iskugu yeeray,kuwaas oo u sheegay in Magaalada ay ka sii gudbayaan,waxaana ay intaa ku dareen in ay la dagaalamayaan Ciddii Qori lagu Arko.

Dhanka kale Puntland ayaa Ciidamo aad u badan u dirtay Degaanka garacad ee Gobolka Mudug si ay Al-shabaab uga Fara maroojiyaan Shabaab,balse la soo sheegayo in Shabaab ay ka baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here