Madaxweynaha: Si khaldan ayaa loo adeegsaday tiradii…

1456611378b8d84Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu beeniyay inuu daaha ka rogay tirada Ciidanka Militariga Kenya looga dilay weerarkii, 15-kii bishii hore ee January, ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Xeradii Degmada Ceelcadde ay ku lahaayeen.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay inaanu Madaxweynuhu ugala jeedin wareysi uu siiyay Telefishinka Somalicable, in Ciidanka Kenya weerarkaasi looga dilay 180-200 oo askari, in ku dhow.

“Tirada Madaxweynaha ee 180-200 ee uu wareysiga ku sheegay ulama jeedin tirada saxda ah ee ugaga dhimatay walaalaheen Kenya weerarkii Ceelcadde, balse Madaxweynaha waxa uu tilmaamaayay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas ku sugneyd saldhigga Ciidamada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka, ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliya iyo shacabkiisuba, ay ka go’an tahay in Ciidanka Kenya ku taageeraan hawlgalka ay ka wadaan gudaha Somaliya.

”Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay ku taageeraan walaalahood Kenya hawlahooda nabad ilaalineed ee ay u joogaan dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah Ciidamada Amisom. Waxana aan la qaybsanaynaa xanuunkii iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii ay argagaxisada ku soo qaadeen Ceelcadde.” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkii hore ka hadlay tallaabada uu madaxa ugu raaciyay xuskii Ciidanka Kenya loogu sameeyay Magaalada Eldoret Ee Galbeedka Wadanka Kenya, ayaa markaasi ka dhawaajiyay tirada uu sheegay in askarta Kenya looga dilay weerarka Ceelcadde.

“Shisheeyaha dalalkooda waa ku dhintaan, umana tagno, tacsi toodaana ma tagno, markii 180 ama 200 in ku dhow oo wiil Somaliya loo soo diray, sababta loogu soo dirayna Somaliya inay nabad ka keenaan, ku saacidaan dadka Somaliyeed nabad inay hellaan ay ahayd hal subax in la dilo. Hawl caadi ah iyo dad ajaaniib ahaa dhintay maaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here