Madaxweyne Xasan oo sheegay in Askarta Kenya ee Ceel-cade looga dilay ay gaareyso 200

Mid kamid ah ciidamadii Kenya looga laayay Xerada Ceel-cade
Mid kamid ah ciidamadii Kenya looga laayay Xerada Ceel-cade

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in dhimashada askarta Kenya weerarkii Ceel-cade ay gaareyso inta u dhaxeyso 180-200

“Markii 180 ama 200 askari ee naloo soo diray in hal maalin la dilo, ma ahan wax fudud”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo waresi siiyay Telefishinka Somali Cable, isagoo ku sugan Istanbul.

Madaxweynaha ayaa difaacay ka qeyb galkiisa munaasabadii baroor-diiqda aheyd ee loo sameeyay askartii Kenya looga dilay Soomaaliya.

Bulshada Soomaalida ayaa qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada, waxay Madaxweynaha ku dhaliileen ka qeyb galkiisa baroor-diiqda iyo inuu u muujiyay garab istaag in Kenya ay xasuuqdo shacab Soomaaliyeed.

“Askartan waxaa Soomaaliya loogu soo diray, inay na caawiyaan, ayna ka qeyb qaataan soo celinta nabada dalkeena, qoysaskooda waxay muujiyeen inay u dhinteen iyagoo waajibaadkooda gudanaya”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadii si dhab ah loo xaqiijiyo dhimashada 180 askari ayaa waxay noqoneysaa tii ugu khasaaraha badneyd ee soo gaara AMISOM, kadib muddo 10-sano ah oo ka soo wareegatay markii howl galkooda ka bilaabeen Soomaaliya sanadkii 2007.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo oo la hadlay Wargeyska Daily Star ee dalka Kenya ayaa beeniyay hadalka Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay mid aan sax aheyn.

“Waxay u muuqataa in Madaxweynaha Soomaaliya u hadlayo Al-Shabaab, ma ahan tiradan mid sax ah ama kuwo si sax loo soo xigtay”ayuu yiri Col. David Obonyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here