Booliska Soomaaliya oo saldhig ka furtay gudaha garoonka Aadan Cade

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Dowladda Somalia ayaa adkeysay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waxaana maanta laga furay gudaha garoonka Saldhig Boolis.

Dadaaladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan dayuurad ay laheyd Shirkikadda Daallo oo garoonka ka kacday uu qarax dhinaca midig ka dalooliyay, ka dibna ay si deg deg ah ugu soo noqotay garoonka. Baaritaanka shilkaasi la xiriira ayaa uu socdo.

Taliska ciidamada AMISOM, ayaa manta Doowlada Federaalka ku wareejiyay Saldhig Boolis oo ay ku shaqeyn doonaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaasoo ciidamada AMISOM ay ka hirgeliyeen gudaha garoonka Aadan Adde.

Saldhigan oo uu dhismihiisa gacan ka geystay xafiiska QM ee Soomaaliya, ayaa waxaa ugu horeyn Munaasabadii lagula wareegayay ka hadlay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Xasan Xaamud oo mahad celin uu ujeediyay ka sokoow ka war bixiyay Muhiimada uu saldhigaan u leeyahay ciidamada Booliska.

Halkaan ka dhagayso codka Xaamud:

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Cabdinaasir Maxamed Cali, ayaa ka codsaday beesha Caalamka iyo AMISOM, ineey kaalin ka geystaan dadaalada loogu jiro sare u qaadista amniga islamarkaasina ay tayeeyaan ciidamada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii taliyaha ciidanka Booliska AMISOM ee ku sugan Muqdisho, ayaa u mahad celiyay xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya, maadaama iyaga ay hirgeliyeen dhismaha, waxaana uu xusay in AMISOM ay gacan ka geeysatay qalabeynta dhismaha saldhigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here