100 ruux oo qabow dartiis ugu dhimatay dalka Ukraine

In ka badan 100 ruux ayaa ku dhimatay dalka Ukraine kadib qabow barafeysan oo ka da,ayo dalkaasi.

Dadkaan ayaa la sheegay in ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana dhimashada boqolkaan ruux ay isugu jirtaa tan iyo Jimcihi lasoo dhaafay.

Saraakiisha dowlada ayaa kaga dhawaaqay warkaan magaalada Kiev ee caasimada dalkaasi, kuwaasi oo sheegay in dadka dhintay 64 ka mid ah ay ahaayeen dad aanan guryo heysan kuwaasi oo laga helay wadooyinka iyaga oo meydadka.

Wasaarada xaalada dagdaga ah ee dalkaasi ayaa sheegtay in qabowga iyo barafka ka da,aya dalkaasi uu gaaray heerki ugu danbeyey ee barafowga.
Boqolaal ruux oo kale oo jirkoodu barafoobay ayaa lagu daweynayaa isbitaalada.

Heer kulka dalka Ukraine ayaa hada ka hooseyo -30C , sidaasi waxaa la mid ah qeybo badan oo Yurub.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.