100 qof oo ku dhimatay Duufaano ku dhuftay Xeebaha Puntland

article-2496954-19576DD400000578-671_964x639Duufaan wadata Roob iyo Dabaylo xoggan oo Muddo 24 Saac iyo in ka badan haysay xeebaha Puntland ayaa lagu soo waramaya in ay gaysatay khasaaro dhimasho oo aad u badan.

Dowladda Puntland ay sheegtay in dhimashada ay gaarayso ku dhowaad 100 Qof iyada oo qaar ka mid ah dadka deegaanku ay VOAda u xaqiijiyen in Labaatan qof la hubo dhimashadooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in meelaha ugu sii daran ay yihiin saddex-geeska Dan gorayo, Beyra iyo Eyl

Waxaana uu ku dhawaaqay in la aasaasay guddi gurmadka deg degga ah u qaabilsan .

Halkaan ka dhagayso Warbixinta duufaanta:

 

Hadalka M/weyne Faroole:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here