10 musharax oo maanta baarlamaanka qudbado ka jeedin doono

Ilaa iyo 10 musharax oo ka mid ah 25-ka nin ee u taagan doorashada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay maanta qudbado ka hor jeedaan baarlamaanka.

Kulan uu isugu imaan doono baarlamaanka kana dhici doono ayey ka hadli doonaan si ay waqti ugu helaan in ay gudbiyaan afkaartooda iyo in ay qanciyaan dadka iyo mudanayaasha.

Gudoomiyaha guduga doorashada, Maryan Cariif ayaa aqrisay magacyada 10-ka musharax oo kala ah.

Sida loo kale leeyahay Qudbadaha.

1-  Axmed Ismaaciil Samatar
2-  Xuseen Khaliif Jaamac
3-  Max’ed Axmed Saalax
4-  Cabdullaahi Axmed Caddow
5- Max’ed Cabdullaahi Ow-maar
6-  Sheekh Shariif Sheekh Axmed
7- C/wali Max’ed Cali Gaas
8-Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo
9-  Salaad Cali Jeelle
10- Cumar Salaad Cilmi.

Maalinta berito ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay qudbado ka jeediyaan fadhi kale oo uu baarlamaanka yeelan doono 15-ka kale ee soo hartay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here