10 murashax oo laga mamnuucay doorashooyinka Masar

Saraakiisha doorashada dalka Masar ayaa ka mamnuucay 10 musharax in ay ka qeybgalaan doorashooyinka lagu wado dalkaasi jn ay ka dhacaan, kuwaasi oo ay ku jiraan madaxi hore ee sirdoonka Omar Suleiman iyo siyaasiga ka socdo ururka Ikhwaanul Muslimiin Khairat al-Shater.

Ninka ka socdo madhabta Orthodox ee Masiixiga Salafi Hazem Salah Abu Ismail iyo hogaamiyihii mudada dheer ka tirsanaa mucaaradka Ayman Nour ayaa iyaguna laga mamnuucay.

Laakin musharaxiinta laga joojiyey doorashada waxay heystaan 48 saacadood oo ay go,aankaasi uga qaadan karaan racfaan, halka haatan tartanka ay ku jiraan 13 musharax.

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in go,aankan uu u dhacay si lama filaan ah waxaana dhici karta inuu dhaliyo tartan layaab leh oo xaga doorashada ah.

Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha musharaxiinta laga mamnuucay doorashada ayaa la filayaa in ay dhigaan dibadbaxyo waaweyn gaar ahaan caasimada Qahiro.

Wajiga koowaad ee doorashooyinka Masar ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha May, taasi oo imaaneyso sanad kadib marki la riday madaxweynihi hore Mohamed Hosni Mubarak.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.