Dagaal Faraha looga gubtay oo dhacay & Guulo la kala sheegtay

528

Wararka laga helayo degmada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal AMISOM iyo Al Shabaab halkaasi ku dhexmaray uu sababay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii gaadiid sahay u siday AMISOM ay degaanka Golweyn ee gobolkaaasi ku weerareen xubno ka tirsan Al Shabaab, madaafiicda garbaha laga tuuro, halkaasina uu ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM.

Intaasi kadib ayaa labada dhinac waxaa halkaasi ku dhexmaray dagaal toos ah, dagaalka ayaa la sheegay inuu ku fiday degaanada miyiga ah ee degmada Buula-mareer.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ilaa hadda aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka ay weerareen.

Masuuliyiinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaanay inoo suuragelin inaan helno, si aan wax uga weydiino weerarkan jidgalka ah ee lagula eegtay Shabeellaha Hoose.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.