Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo arrin Somalida farxad gelineysa Muqdisho ka sheegay

289

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Maxamed Saalax, oo ka  qeyb galayay xaflad casho sharaf ah oo xalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho, ayaa cadeeyay inay magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan masuuliyiin kala duwan uu dalkaasi u dhalatay.

Wuxuu mahad celin u jeediyay dowladda Soomaaliya sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweysay magaalada Muqdisho iyo cashadii xalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho

Wasiirka ayaa sheegay in labada dal ay ka shaqeyn doonaan wanaajinta xiriirkooda iyo arrimaha ka qeyb qaadanaya horumarinta dalka.

Wuxuu sheegay in Somalia ay kasoo kabaneyso dhibaatadii ay ka dhaxashay burburkii dalka ka dhacay waxii ka dambeeyay 91-kii.

Masuuliyiin uu kamid ahaa ra;iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale.

Xiriirka wanaagsan ee dhexmaraya Somalia iyo eritrea ayaa ka bilowday safar bishii lasoo dhaafay madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara, taasina waxay dhaawacday xiriirkii Jabuuti iyo Somalia oo Walaalo isaga dhow ah dalalka kale ee Africa.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.