XOG: Wadahadalo u socdo Xisbiga Wadajir & Madaxweyne Farmaajo

495

Warar ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdeen maalmihii ugu dambeeyay Wadahadalo u dhaxeeya Xisbiga Wadajir iyo dowladda Somalia.

Wadahadalada ayaa la doonayay in lagu dhameeyo xiisadda ka dhalatay weerarkii lagu qaaday guriga Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan NISA bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Sayid Cali Macalin Cabdulle, Xoghayaha guud ee Wadajir Party ayaa Midnimo Online u sheegay in wadahadalkaasi uusan guuleysan.

“Arrintii dhacday 17 December kaddib, wixii ka dambeeyay waxaa socday dhex dhexaadin ay hormuud ka ahaayeen Odayaasha dhaqanka, si arrintaas looga heshiiyay, waxaa arrinta la wareegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaa wada hadalada qeyb ahaan laga heshiiyay in la bixiyo diyada shantii ruux ee lagu dilay weerarka Guriga C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Wadahadalada waxaa ku jiray ganacsato labada dhinac ah, odayaal iyo qeybaha bulshada, sida uu sheegay xoghayaha guud ee xisbiga Wadajir.

“Isku daygaas ay wadeen Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo ururada Bulshada rayid ee aheyd in la xaliyo waxay ka socon waayeen dhanka dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha ayaa hor-istaagay”ayuu yiri Xoghayaha Xisbiga Wadajir oo intaa ku daray in dowladda ay ku guuldareysatay inay cudur daar ka bixiyo falkaas, isla markaana hantida laga qaatay Xisbiga dib loogu soo celiyo.

Dhinaca kale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu guuldareystay wada hadaladaas, isla markaana ku eedeeyay in Madaxweynaha howshaas hor-istaagay.

Midnimo online
Xafiiska- Nairobi
Midnimo12@gmail.com

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.