XOG: Farmaajo oo Ku wajahan Dal ku yaala Asia oo xiriir wanaagsan la leh Somalia

504

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago dalka Shiinaha oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dalka Somalia.

Farmaajo, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Shiinaha, waxaana la filayaa inuu tago todobaadyada soo socdo, sida Midnimo Online xogta ay ku heshay.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmi doono madaxweynaha Dalka Shiinaha, isaga oo kala hadlaya xiriirka labada dal, Ganacsiga iyo maalgashi shiinaha uu ku sameeyo dalka Somalia.

Booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Shiinaha ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu ku tago dalkaasi, isagoo horay u booqday dalal kale oo dhowr ah isla markaana heshiisyo ganacsi kala dhexeeya Somalia.

Geesta kale, Shiinaha ayaa Somalia horay ugu ballanqaaday inuu waxbadan ka qaban doono burburka waddooyin iyo dhismooyin waaweyn ah isla markaana muhiim u ah dowlada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.