Muxuu Yahay Doorka Somalia ee Khilaafka Jabuuti & Eritrea ? [Warbixin]

216

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay doorka ay ka qaadan karto khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti, kaasi oo ku saleysan lahaanshaha dhul xuduuda labada ku yaala.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay door wanaagsan ka ciyaareyso dhameynta khilaafka labada dal ee deriska ah u dhaxeeya.

“Dowlada Somalia waxa ay heshiisiin doontaa dowladaha Eriterea iyo Jabuuti si khilaafka daba dheeraaday looga gudbo”

“Kaalinteenu waxa ay noqon doontaa mid leysugu soo dhaweynaayo labada dal, Somalia waxba uma aragto warqada halka mar kasoo baxday Jabuuti ee khuseysay dhaliisha laga muujiyay hadalka madaxweynaha”

Wuxuu sheegay inay ka go’an yahay dowladda Somalia sidii heshiis buuxa labada dhinac u gaari lahaayeen, si loo wanaajiyo xiriirka labada dal.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.