Ciidamada Dowladda oo baneeyay Baar Sanguuni & AL Shabaab oo la wareegay

670

Ciidamada Somaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa soo baneeyay Deegaanka Baar Sanguuni, oo qiyaastii 50km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay inay ka baxaan deegaankaasi, ka dib markii maalintii Jimcaha ay ku soo weerareen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, iyadoo waxyeelo kala duwana ay ka soo gaartay.

Ciidamada Mareykanka ayaa la soo sheegaya in diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca looga soo daadgureeyay Baar Sanguuni, isla-markaana ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo, oo markii horeba ay ka dhaqaaqeen.

Ciidamada Somalida ayaa iyaguna xalay soo baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah. Saqdii dhexe ee xalayna waxay ku hoydeen meel u dhow Deegaanka Yoontooy, oo 20km dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Ciidamada Somalida ee soo baneeyay Baar Sanguuni ay tiradoodu gaareyso 480 askari, waxaana saacadaha soo socdo lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan Jaamacadda Kismaayo, oo fariisin u ahayd, ka hor intii aan loo daabulin Baar Sanguuni.

Ciidamadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab, oo isla xalayba dib ula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi. Shabaabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay soo kubaareeyay oo culeys soo saaray Baar Sanguuni, shalay oo ugu dambeysayna waxaa ay ka gaysteen weerar ismiidaamin ah.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.