Trump oo ka hadlay askari looga dilay Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Mid kamid ah askartooda oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Qaaska ah ee Mareykanka ayaa ka barbar dagaalamayay Jimcihii shalay ku dhawaad 800 oo askar Soomaali ah iyo ciidamada Difaaca Mareykanka, kadib markii weerar madaafiic ah iyo weeraro gaadmo ah kala kulmeen Al Shabaab.

Mid kamid ah askarta Mareykanka ayaa ku dhintay weerarka halka afar kale la sheegay inay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay geerida askari Mareykan ahaa iyo afar kale  oo la dhaawacay, kadib markii xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku weerareen deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Donald Trump ayaa marka hore tacsi u diray ehelada iyo qoysaskii uu ka geeryooday askarigaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay afar askari kale oo iyaguna weerarkaasi lagu dhaawacay.

Hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “ Waan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya, runtii aad ayaan uga murugoonayaa, runtii waa geesiyaal, oo qaranka ayaa xusi doona.” Ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.