Dilalka Bajaajlayaasha oo Muqdisho kusoo badanayo Sabab?

281

Mid kamid ah ciidamada loo yaqaan Minishiibiyada ayaa ku toogtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir wiil dhalinyaro ahaa oo mooto Bajaajta ku shaqeysanayay.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Waxaa jiray ka hor dilka Murun la sheegay inuu dhexmaray askariga dilka geystay iyo wiilka dhalinyarada ahaa oo ku sugnaa afaafa hore ee degmada Waaberi.

Askariga dilka Geystay ayaa ka baxsaday goobta falka uu ka dhacay, waxaana madaxda maamulka Waaberi ay sheegeen inay ku raad joogaan askariga dilkaasi geystay.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka, iyada oo ay muhiim tahay in arrintan wax laga qabto.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.