Shir Amni oo ka furmayo magaalada Muqdisho

254

Amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la filayo in halkaasi la filayo inay gaaraan madaxda maamulada dalka si ay kaga qeyb galaan Shir Amni.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay si shirka amniga ay kaga qeyb galaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaf wareegaaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo waxayna baarayaan dadka maraya wadooyinka iyo sidoo kale guryaha.

Saacaddaha soo socda waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu  ka furmo Shirka Shirka Golaha Amniga Qaranka,oo ay qeybgalaayaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Midowga ee AMISOM ayaa la wareegay ammaanka halka shirka uu ka dhacayo, iyadoo fariisimo ka sameystay banaanka xarunta shirka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.