Dilalkii ugu badnaa Bisha Ramadaan oo xalay ka dhacay Muqdisho

186

Iyadoo ay sii kordhayaan dilalka joogtada ah ee maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay magaalada ka dhacay dilalkii ugu badnaa ee habeen kaliya dhaca.

Ugu yaraan lix qof oo ay ku jirto haweeney ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Dilka hore ayaa ka dhacay isgoyska Bakaaraha   rag bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku toogteen labo wiil oo ka mid ah dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka ah, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysay dilkooda, kooxihii ka dambeeyeyna markiiba wey baxsadeen sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

rag bastoolado ku hubeysan ayaa sidoo kale xaafada suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid waxay ku toogteen labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasoo isla goobtii ku geeriyooday.

Ma cadda sababta loo dilay wiilashan iyo waxa ay ahaayeen, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey.

Sidoo kale, Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ayaa iyana sheegaya in nin darawal ka ahaa gaadiidka BL-ka halkaasi lagu dilay, waxaana sida dad goob joogayaal ahi sheegayaan ka dambeeyey dilkiisa askari ka tirsan ciidamada dowlada oo baxsaday.

Haweeney ayaa sidoo kale xalay lagu dilay xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in haweeneydan ay ka tirsaneyd shaqaalaha dowlada.

Laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulada degmooyinka ay dilalku ka dhaceen ayaan ka hadlin falalkan, iyadoo dowlada Somalia ay u muuqato iney xal u la’ dahay dilalka qorsheysan ee ku soo badanaya caasimada.

Dilalka xalay ayaa ku soo aadaya xili maanta oo kaliya siyaabo kala duwan loogu dilay afar kale, waxaana labo ka mid ahaa oo ka tirsanaa askarta dowlada iyo qof shacab ah lagu dilay Suuqa Bakaaraha, halka qofka afaraad oo darawal ka ahaa mooto bajaaj oo ku dhintay rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada dowlada dhexdooda, waxaana marka  isu geeyo tirada maanta illaa xalay la dilay ay isku noqoneysaa toban.