Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degaanka Moqokori

299

Ururka Al-shabaab ayaa casir liiqii shalay dagaal culus kula wareegay degaanka Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay la dagaalameen ciidankii halkaasi ku sugnaa.

Shabaab ayaa laba jiho ka weeraray degaanka, waxayna dagaal dhabagal ah la galeen ciidanka Dowladda ee halkaasi ku sugnaa, taasi oo ugu dambeyn sababtay in ay gudaha u galaan degaanka, iyaga oo wata gaadiidkooda dagaalka.

Ciidamada dowladda ayaa dib ula wareegay Xalay degaanka Moqokori ka dib markii ay ka baxeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee qabsaday degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay muddo Saacaddo ah ay gacanta ku hayeen degaankasi,islamarkaana ay dib uga baxeen, markii ciidamada dowladda ay soo rogaal celiyeen.

Dib ula wareegidda degaankaasi ayaa timid ka dib markii ciidamada dowladda Soomaaliya Gurmad xoog leh uu uga yimid degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

Degaanka Moqokori ayaa ka mid ah degaanada ay Shabaab kaabiga ku hayaan, waxaana horay uga geysteen Weeraro kala duwan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.