Al Shabaab oo weeraray Deegaano ka tirsan Puntland

202

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Galgala, gaar ahaan agagaarka Togga Bali Khadar oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay cagta mariyeen xeradaas, isla markaana ay ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay ku dileen illaa todobo askari oo ka tirsan ciidanka Puntland.

Hase ahaatee ma jirto war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab, iyadoo aanay weli jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Puntland.