Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay koox burcad ah

154

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Halwgal si gaar ah looga sameeyay xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac ku geysan jiray Bastoolado caag ah iyo sidoo kale rag ku labisan dharka Dumarka.

Maamulka degmada Hodan ayaa sheegay iyaga oo ku guda jira hawlo amni xaqiijin ah in ciidamada ammaanka ay qabteen Dhalinyaro wadatay Bastooladio caag ah, oo dadka telefoonada uga dhici jiray.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, maadaama mararka qaar ay dhacdo in ay faraha la galaan falal ka baxsan ammaanka.

Ciidanka ammaanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay hawlaha ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyada oo shalay degmada Dharkeynley lagu qabtay rag hubeysan oo dhac u geysanayay shacabka ku nool degmadaasi.