Hay’adaha ammaanka oo gacanta ku dhigay rag ku hubeysnaa Bastoolado

190

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, Hay’adaha ammaanka ayaa galabta degmada Waaberi gaar ahaan halka loo yaqaano Ansalooti ku qabtay laba nin oo ku hubeysnaa Bastoolado.

Saraakiisha ammaanka ayaa inoo sheegay raggan in xogtooda horey loo hayay, ayna ku sugnaayeen guri ku yaalla degmada Waaberi, galabtana ciidamada ay ku baxeen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay inoo sheegeen inta uu hawlgalka socday in ciidamada ay dhaawaceen hal nin, halka mid kalena isaga oo badqaba gacanta lagu dhigay, kadib markii raggan ay isku dayeen in ay baxsadaan, rasaasna kala hortageen ciidanka.

Maamulka degmada Waaberi oo dhankooda aan la xiriirnay waxay inoo sheegeen in labada nin gacanta lagu dhigay hada ay ku socdaan baaris, ayna yihiin rag ka tirsan ururka Al-shabaab.

“Waxaan adin xaqiijinayaa galabta in degmada Waaberi lagu qabtay laba nin oo hubeysan horey ayaa xogtooda loo hayay, ciidamada ayaa ku baxay guri ay joogeen, iska cabin ayay sameeyeen, waxaa ku geeryooday qof shacab ahaa inta uu hawlgalka socday, mid isaga oo dhaawacan ayaan qabanay, halka midka kalena uu badqabo, nimankan waxay ka tirsan yihiin kuwa cadowga ee Shabaab.” Ayuu yiri masuul ka tirsan maamulka degmada Waaberi.

Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii degmada Waaberi ay koox hubeysan ku weerartay gaari ay la socdeen ilaa afar qof, waxayna halkaasi ku dileen nin lagu magacaabi jiray Cumar Dalxa oo ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka, halka qof kale oo gaariga saarnaa ay dhaawaceen.