Waddooyinka Muqdisho oo dib loo furay

278

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow dib loo furay ka dib markii ciidamada dowladda ay xireen dhammaan Wadooyinka Saakay Aroortii Hore.

Furitaanka Wadooyinka ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in la hakiyay kulankii xildhibaanada ee maanta.

Ciidamada dowladda ayaa saakay dadka Shacabka ah xataa u diiday in maraan wadooyinka.

Shacabka Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaayay xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho.