Hub & Maandooriye lagu qabtay magaalada Muqdisho

290

Baaritaano waqti qaatay oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu soo qabtay waxyaabo maanka dooriya iyo hub.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu soo qabtay qoriga AK47 iyo Bostoolado iyo waxyaabaha maanka dooriya oo ka kooban Xashiish iyo Qamri.

Hubka ayaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya waxay sheegeen in si sharci aan aheyn loogu heystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyo saraakiil Ciidan ayaa markii dambe tagay goobta waxyaabahan lagu soo qabtay.

Wuxuu sheegay C/fataax Xalane afhayeenka gobolka Banaadir in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gurigii waxyaabahan lagu soo qabtay, dadkii deganaa iyo Hubkii laga soo qabtay, sharcigana la horgeyn doono.

“Waxaa Howlgal balaarana laga sameeyay degmada Wadajir, Howlgalka wuxuuu ahaa mid qorsheysan, waxaana lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo Hub, dhammaan dadkii waxyaabahaas lagu soo qabtay Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay, sharciga ayaana la horgeyn doonaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.