Somaliland iyo Puntland Horumar iyo Nabad Lagu Naloolod Ayaa Ka Jirta

1860

Dadka soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo isku mid ah.Hasa yeeshee waxaan la in kiri karayn in lakala hormarsan yahay oo aan taa loo sinayn.Dadku waa kala ilbaxsan yahay waana kala aqoon badan yahay waana kala dawlad sanyahay. Hadaba somaliland iyo puntland waa laba dawladood oo mid waliba dagaanadeeda kasamaysay nabad sharci iyo kala danbayn. labada maamul waxay kukala duwan yihiin arimo dhawr ah waxaase uugu wayn dhanka hadafka dawladnimo oo ah sidan.

1.Somaliland waxay aamin santahay in isku darsankii labadii ka xoroowday gumaystaha ingiriiska iyo talyaaniga ay dib ula soo noqdeen ku darsankii oo ay yihiin dawlad layiraahdo somaliland oo gooni u taagan.

2. Dawlada puntland waxay aamin santahay midnimada iyo wada jirka umada soomaaliyeed,laakiin laysugu yimaado nidaam fadaraal ah dalkana lagu soo dabaalo guud ahaan sharci iyo nabad iyo dawladnimo buuxda.puntland ma aaminsana in ay ka godo soomaaliya inteeda kale marnaba.

Marka laga soo tago hadafkaa kala duwan waxay isaga mid yihiin labada maamulba,mid waliba way hanatay si buuxda nabad galyadii shacabka.waxayna mid waliba leedahay sharci qofkii danbi gala lagu ciqaabayo oo qabanaya,iyo sharci ilaalinaya xaquuqda muwaadinka naftiisa iyo maalkiisa iyo sharafkiisaba.waxaa ka jira labadaba maxkamado iyo booliis sharcigaana shaqeeya sida dawladaha aduunka ayay lamid yihiin.hormar bay ka gaareen dhanka ganaacsiga iyo tacliinta leh heerar kala duwan.

Dhanka maamulka waxaa qaab ahaan hormarsan kan somaliland,marka laga hadlayo dhanka dimuqraadiyada waayo waxay u gudbeen nidaamka axsaab siyaasadeed xisbiyo iyo doorasho qof iyo cod ah.oo dad waynahaa wax doorta.

Laakiin puntland wali waxaa ka jira nidaam ergadu wax doorato ilaa maanta,waana qaab lagu soo liibaanay mana xumayn balse waxay ahayd in looga gudbo nidaam xisbiyo iyo qof iyo codkii waase la rajaynayaa in loo xuubsiibto nidaamkaas.

Hadaba waxaa jira dawlado shisheeye iyo sokeeye wax magarad ah oo raba in uu labadan maamul ee dadkoodii heerka gaarsiiyay ka carqaladeeyo,nidaamkooda iyo kala danbayn tooda si uu dib u dhac u asiibo hormarkay gaareen.dad reer miyi ah oo ceel iyo daaqsin isku haya oo aan inbadanba ka garanayn wax noloshu tahay,maha in laysku sii shido ee waa in loo gurmadaa oo loo caqli celiyaa.dadka reer miyiga ahi naftooda si fudud ayay ku gooyaan waxaana keenaya tacliin la aanta.

Somaliland and Puntland
Somaliland and Puntland

Soomaaliland iyo puntland haka fakaraan sidii xoolo dhaqatada loo gaarsiin lahaa tacliin si ay u helaan xogta ka daahsoon ee nolasha,oo ay noqdaan kuwo wax akhriya waxna qora.waxaa intaa dheer maamulkan cusub ee uu hogaaminayo Madaxwayne Muuse biixi oo ah nin kamid ah dadka fara ku tiriska ah ee maanta soomaaliya u haray ee wax garadka ah ayaa dad jeclaan lahaayeen in ay ku furaan tash wiish iyo fidno aan loo baahnayn. Ujeedkooduna waa mid guracan meelse aan gaarayn.

Puntland iyo somaliland haka fakaraan mustaqbalka umada soomaaliyeed hana adkeeyeen nabadooda iyo hormarkooda ninkii xumaan la doonaana isagaa ku daalaya.soomaaliya waxay kasoo kabanaysaa dhibaatadii dawlad la aanta mudo 27 sanadood ah haysatay,waxayna cagta saartay dhismaha dawlad dhexe oo xoogleh oo hanata gayiga soomaaliyeed isuna keenta dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah. soomaaliya waxay heshay madaxwayne sax ah goortii saxda ahayd iyo goobtii saxda ahayd waa Madaxwayne maxamed cabdullahi farmaajo oo ah wadni geesi ah oo daacad u ah dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisa tanaa kuu cadayn in soomaaliya ka guulaysatay cadawgeedii.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.