Sh Maxamed Macallin Xasan Kitaabka Al-Aqidah al-Tahawiyyah Casharka 1aad – 52aad

717

Sheekh Maxamed Macallin Xasan  Kitaabka Al-Aqidah al-Tahawiyyah  Casharka 1aad – 52aad

Sheikh Maxamed Macallin Xasan
Sheikh Maxamed Macallin Xasan

Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla Degmada Buur-hakabe, Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka ku baranayay.

Dhageyso – Sharaxa Kitaabka

Kadib wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah sannadkii 1952-kii.

Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la qiimeeyey loo oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee Macaahidda Al-Azhar.

Sannad kaddib wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar, gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin, qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay Shahaadada (M. A.) Mastrate. Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay ka qorayey Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada.

Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku soo noqday Soomaaliya sanadkii 1968. Intii uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda Soomaaliyeed ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay dalka,isla bishaas iyo bishii September sanadkii 1968 wuxuu Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee dalka Soomaaliya ee uu xilligaas ku jiray.

Taariikh Nololeedka Allaha Ha U Naxariistee Sheekh Maxamed Macallin Xasan oo dhameestiran – Aqriso –

Taariikh Noloeedkii Allaha Ha U Naxariistee Sh. Maxamed Macallin Xasan

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.