Ronaldo oo Ramos u sheegay inuusana ka laabaneen go’aanka uu Real kaga tagayo

Barnaamijkaan oo ka baxa hilinka Gol TV ayaa lagu sheegay in Cristiano Ronaldo uu taleefanka kala hadlay Ramos ka dib markii la sheegay inuu gaaray go’aan aan ka soo laabasho laheyd oo uu kaga tagayo Spain.

Sida uu baahiyay Raadiyahaan Ramos ayaa weydiiyay Cristiano Ronaldo haddii ay run tahay wararka xanta ee sheegaya bixitaankiisa, waxaana uu kabtanka Portugal ku jawaabay inay run yihiin.

Barnaamijka ayaa sidoo kale sheegay in wakiilka Cristiano Ronaldo ninka lagu magacaabo Jorge Mendes inuu xiriir la sameeyay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez si uu ugu wargeliyo in Ronaldo uu doonayo inuu ka tago Bernabeyu xagaagan.

Cristiano Ronaldo oo haatan ku maqan xulkiisa Portugal ee ciyaaraya koobka Qaaradaha ayaa la sheegay inuu go’aan ku gaaray inuu ka tago Spain ka dib markii uu ka carooday dacwada qiyaanada canshuur ee loo heysto.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.