Muxuu sameey doonaa David Silva hadii uu City kula guuleeysto Champion League?

432

Xidiga lugta bidix ku qaraabta ee xulka Spain iyo kooxda Manchester City David Silva, ayaa wareysi uu siiyay Daily Express, waxa uu ku sheegay inuu ciyaaraha isaga fariisan doono hadii uu xagaaga soo aadan ama kuwa xiga uu City kula guuleeysto Koobka Champion League.

David Silva oo 2010 aduun dhan  £26million Valencia uga soo dhaqaaqay kuna biiray City, ayaa la qaaday 2 Koob oo Premier League ah iyo Koobab kaloo muhiim ah, balse waxa uu wali ku sari la’yahay koobka dhaga weyne ee Champion League.

MANCHESTER, ENGLAND – OCTOBER 15: David Silva of Manchester City in action during the Premier League match between Manchester City and Everton at Etihad Stadium on October 15, 2016 in Manchester, England. (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

“Waan ka fariisan doonaa ciyaaraha, hadii aan City la qaado Champion League” ayuu yiri xidigaan 31 jirka ah.

“Waxeey ii ahaan doontaa mid qaas ah hadii aan City u qaado koobkaas”.